ogow kolba meesha uu marayo gaadiidka iyo xawaaraha uu ku socdo, adoo jooga meesha aad doonto aduunaka.
Raad Raac waa adeeg aan u ugu talo galnay, in lagul socdo gaadiidka ama gawaadhida. u jeedadu waa in Mulkiiluhu/shirkadu ama cid walba masuul ka ah gaadiid inay la socon karto gaadhi walba meesha uu marayo si toos/live ah. sidoo kale uu u ogaan karo gaadhi walba meelihii uu ku sugnaa ama maray 7 dii bari ee u dambaysay.
Ogow xawaaraha uu ku socdo gaadhigu xili walba oo aad rabto. waxaa kale ood helaysaa friin digniin ah hadii uu darawalku xawaare sare ku socday, ama xawaarihii loo jaan gooyay uu dhaafo.maamuluhu wuxuu xadidi karaa xawaaraha gaadhi walba, marka la dii waan galinayo gaadhiga.
Geofencing ama xayndaab u samayn, waa qaab aad ku ogaan karayso inuu gaadhi ama shaqsi joogo goobtii loogu talo galay. tusaale xerada gaadiidka ama goobta shaqada, kadibna aad la soconayso inuu gaadhigaysi gaadhay goobtii laga rabay ama uu ka baxay xayn daabkii loogu talo galay.